Animation

Daawo Daacishta Somalia oo dhalatus samaysay..

no responses
Sunday September 18, 2016 - 6:32 under Breaking News by admin
mqdefault

Kooxda Daacish Somalia ayaa baraha internetka qaarkood ku baahiyey Sawirro ay iska qaadeen iyagoo u dabaal degaya munaasabada Ciidul adxaa oo ku beegneyd Isniintii ina dhaaftay.

Sawiradda ayaa waxaa ka dhex muuqda hogaamiyaha Daacishta Somalia Shiikh C/qaadir Muumin oo ku dhex jira dagaalyahano ka tirsan kooxdaas oo fadhigeedu yahay buuraha Golis iyo degaano kale oo ka tirsan Puntland.

Waxaa kaloo sawiradda ku jira dagaalyahanada kooxdan oo saf saf u fadhiya, isla markaana cunaya macmacaano loogu talo galay munasabada Ciidul Adxaa.

Kooxdan ayaa horey uga soo goostay xarakada Al-shabaab oo hoos tagta ururka Al-Qaacida iyagoo shaaciyey iney ku biireen Kooxda Daacish oo xoogooda ugu weyn uu ka dagaalamo dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Inkastoo kooxda Daacish Somaliya aysan weli geysan weeraro waaweyn haddana waxaa la sheegaya iney awood ahaan sii xoogeysanayso, ayna damacsan yihiin weeraro halis ah iney geystaan.

.