Somali News

DAAWO: Col Cali Baalle oo ciidamadii ugu badnaa kala goostay Puntland.

Ciidamadani oo tira ahaan dhan 150 askari oo ku qalabaysan gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa lagu soo bandhigay degmada Taleex ee gobolka Sool, kuwaas oo kasoo goostay maamulka Puntland kuna biiray ciidamada maamulka Somaliland.

Wasiir Koore oo hadal ka jeediyey goobtii lagu soo bandhigay ciidamada ayaa sheegay in uu aqoon wanaagsan u leeyahay sarkaalka lasoo goostay ciidamada ee Cali Baalle oo hore uga tirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland ee aaga Taleex, isagoona sheegay in marar badan ay isku khilaafeen taliyaha siyaasada deegaanka hasa yeeshee maanta Cali Baalle uu wax badan fahmay kuna soo dhowaynayaan ka maamul ahaan ciidamadiisa kamid noqoshada ciidamada Somaliland.

 

Related posts

Wax badan ka ogow khaladaadki ka dhacay shirkii Istanbuul

admin

Danjire Keating iyo Wafdi balaaran uu horkacaayo oo goordhaw gaaray Magaalada Dhuusamareeb

admin

Daawo: Farmaajo oo Madaxtooyada kula kulmay Qoyska Marxuum Tahliil oo Baabuurta Ilaalada Madaxweynaha ay Dileen

Tifaftiraha K24