Daawo: Ciidamo gadoodsan oo maanta xoog ku galay xarunta baarlmaanka maamulka….

0

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka soomaliland ayaa maanta waxa ay gudaha u galeen xarunta baarlamaanka soomaliland gaar ahaan Aqalka wakiilada.

Ciidamadaan gadoodsan ayaa waxa ay ka cabanaayeen sicir bararka kusii kordhaya deegaanada soomaliland ee la xiriira maciishada qeybaheeda kala duwan.

Xildhibaan Xassan Cawaale gudoomiyaha gudida arimaha bulshada ee golaha wakiilada oo ay ciidamadani la kulmeen ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu u sheegen in lacagta ay mushaharka u qaataan aanay kirada guryahooda iyo waxbarashada caruurta aanay ka bixin kareeen sicir bararka soomaliland ka jira awgeed.