Animation

Daawo: Ciidamada puntland oo boosaaso ku qabtay nin mudo 25 sano dadka sixraayay oo mudo lagu raad joogay

no responses
Monday May 8, 2017 - 4:05 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Ciidamada ammaanka maamulka puntland ayaa magaalada boosaaso ka qabtay nin saaxir ah oo mudo 25-sano ku shaqeysanaayay sixirka.

Ninkaan saaxirka ah ayaa howsha sixridda dadka waxa uu bilaabay sanadkii 1992-dii xiligaasi oo uu yimid magaalada boosaaso.

Taliska ciidanka booliska magaalada boosaaso ayaa saakay warbaahinta usoo bandhigay ninkaan saaxirka ah oo ciidanka booliska ay gacanta kusoo dhigeen isagoo ku dhuumaaleysanaayay gudaha magaalada boosaaso.

Ninka saaxirka ah ayaa waxaa sidoo kale lala soo qabtay nin kale oo isaga la shaqeynaayay waxaana ciidanka ay ka soo qabteen guri ku yaala xaafaddaha boosaaso.

‘’Nimankaan waxaa soo qabtay ciidanka Booliska qaybta gobolka Bari saldhiga ayay keeneen, waa niman Saaxiriin ah oo dadka Sixri jiray, maadama ay Saaxiriin yihiin baaris ayaa ku socota” ayuu warbaahinta u sheegay taliyaha Saldhiga bartamaha Boosaaso G/Sare Yuusuf Axmed.

Labadaan nin ee saaxiriinta ah ayaa waxaa gurigooda laga soo bixiyay alaabo kala duwan oo sixirka ay u adeegsan jireen waxaana kamid ahaa Lafo Ari oo shiilan, Loox lagu dhajiyay Masaamiir, Caws, Baalka Xayawaanka loo yaqaan Caana-qubta, salool buskud  iyo waxyaabo oo dadka ay ku sixri jireen.

Ninkan saaxirka ah oo lagu magacaabayo Maxamed Cismaan Yuusuf, ayaa oo da’diisa lagu qiyaasay 50-sano, wuxuu sheegay inuu 25-sano uu  rooxaan iyo mingis soo dajinayay, isagoo adeegsanaya Lafo Ari, Caws iyo Alaabo kale oo qashin u badnaa oo lagu qabtay.

‘’Muddo 25-sano ah ayaan joogay Boosaaso oo aan garaacayay Mingiska iyo Rooxaanta, anniga oo jiifa oo Qaad cunaya ayaa la iso xiray, waxaa la igu soo qabtay Lafo iyo Caws waa wixii aan Rooxaanta ku garaacayay’’ Ayuu yiri saaxirka gacanta lagu soo dhigay.

Ugu dambeyn taliyaha boolska magaalada boosaaso ayaa sheegay in ay jiraan saaxiriin badan oo magaalada boosaaso ku dhuumaaaleysanaya kuwaasi oo sixirkooda ay la jiifaan dad badan oo aan waxba galabsan wuxuuna sheegay in ciidanka ay soo qaban doonan dhamaan saaxiriinta magaalada boosaaso ku sugan.

Facebook Comments