Animation

Daawo: Ciidamada NISA Jubbaland oo ka hortagay halis weyn oo kusoo socotay shacabka ku nool kismaayo

no responses
Friday April 21, 2017 - 3:59 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamada nabad sugidda jubbaland ayaa gacanta kusoo dhigay bambaanooyin iyo qofkii watay oo doonayay in uu qaraxyo ku fuliyo.

Ciidanka ayey u suurta gashay in ay gacanta kusoo dhigeen ilaa seddex bambo iyo ninkii watay xili uu ku sugnaay xaafaddo kamid ah magaalada kismaayo.

” Ciidanka Nabad sugidda qaranka qaybteeda Jubbaland ayaa Gacanta ku soo dhigay Bambooyinka Gacanta laga tuuro iyo Ragii ku lugta lahaa xili ay dabo gal ku hayeen Ciidanka Sirdoonka” ayuu lagu yiri war lagu qoray barta facebooka ee NISA Jubbaland.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland Axmed C/laahi Ciise ayaa warbaahinta uga warbixiyay qaraxyada iyo ninkii watay oo ciidanka ay qabteen iyo halka ay ka heleen xogta ninkaa.

Halkaan ka daawo muuqaalka