Animation

Daawo: Ciidamada Nabad Sugida Maamulka K/Galbeed oo baydhabo ku qabtay Waxyaabaha qarxa iyo Sarkaal Alshabaab ka tirsan

no responses
Saturday October 15, 2016 - 2:19 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka Imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamada Ammaanka ee Maamulka Koonfur Galbeed Howlgal ay ka Sameeyen qeybo kamid ah Magaalda lagu soo qabtay Sargaal ka tirsan Alshabaab.

Howlgalka waxaa Fuliyay Ciidanka Nabad Sugida Koonfur Galbeed wuxuuna ka dhacay Xaafada Berdaale ee Magaalda Baydhabo.

Saraakiil ka tirsan NISA K/Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in Xogta Sargaalkan lagu qabtay ay Bixiyeen Shacabka Xaafada dagan.

Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka K/Galbeed Xasan Xuseen Maxamad Eelaay ayaa Ciidanka ku amaanay Howlgalkaan ay kusoo qabteen sargaalkaan ka tirsan Alshabaab oo Magaciisa uu ku sheegay Isxaaq Xasan cali.

Dhinaca kale Taliyaha Nabad sugida Magaalda Baydhabo Isaaq Ibraahim Aflow ayaa sheegay in Ciidanka ay Horay u haayeen Xogta Sargaalkan Maantana ay u suurta gashay Ciidanka NISA in ay gudaha u galeen Hooy uu Ninkaani dagnaay iyadoona Ciidanka ay gacanta ku dhigeen Sargaalka iyo Waxyaabaha Qarxa.

Ciidanka ayaa qaraxyada uu diyaariyey ninkaasi katirsan Al-shabaa kusoo bandhigay  xarunta taliska ciidanka Midawga Afrika ee AMISOM ee magaalada Baydhabo.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada 

1 2 3 vlcsnap-2016-10-15-13h28m03s513-640x363