Animation

Daawo: Ciidamada kenya oo qasaaro xoogan uu ka soo gaaray qarax miino oo ay la kacday gaari ciidan oo maraayay…..

no responses
Thursday May 25, 2017 - 5:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan qarax miino oo ciidamo ka tirsan dowladda kenya lagula eegtay gobolka wuqooyi bari kenya.

Qaraxa oo ahaay miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxa ay la kacday mid kamid ah baabuurta ciidamada kenyya.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa waxa ay marayeen deegaan lagu magacaabo Malelei oo dhaca duleedka magaalada gaarisa ee gobolka wuqooyi bari kenya.

Inta la xaqiijiyay 5 askari ayaa ciidamada kenya uga dhintay qaraxaan waxaana sidoo kale ku dhaawacmay askari kale .

Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii shalay qarax dhulka lagu aasay uu ka dhacay deegaano gaarisa iyo mandheere u dhaxeeya waxaana ku dhintay 7 askari sida wararka lagu helaayo.

Facebook Comments