Daawo: Ceeb iyo Fadeexo ku soo baxday Wasiiro iyo Xildhibaano dowladda ka tirsan+Duqa Muqdshiso oo sir kashifay

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdishp Eng Yariisow ayaa sheegay in muddo dhowr bilood ah uu ka shaqeyn waayay wasiiro xildhibaano iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan kuwaasi oo buux dhaafiyay xafiiskiisa gobolka banaadir ee dadweynaha loogu adeeggo.

Eng Yariisow wuxuu xusay in muddo 3 bilood oo joogta ah uu ka shaqeyn waayay mas’uuliyiin danahooda gaarka ah u socda kuwasi o ciriiri galiyay howlihii duqa caasimadda u qaban lahaa dadyoowga gobolka banaadir ku nool.

Guddoomiyaha ayaa yiri “ mudo Saddex bilood ah ayay nagu qaatay si aan xal uga gaarno siyaasiyiin,Xildhibaano iyo Wasiiro Danley ah oo xafiiskeyga soo buux dhaafiyey taasi oo sababtay in aan u Shaqeyn waayey bulshadii aan madaxda u ahaa laakin hadda xal ayaan ka agaray oo waqti ayaan u sameeyey mas’uuliyiinta danleeyda ah”.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka