Animation

Daawo: Caruur iyo waalidiintooda oo ku dhamaaday Hoobiye maanta ku soo dhacay dagmada…

no responses
Thursday February 16, 2017 - 1:49 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya madaafiic maanta kusoo dhacday qeybo kamid ah dagmooyinka gobolka banaadir.

Ilaa 5 hoobiye ayaa la xaqiijiyay in loo qeybiyay dagmooyinka gobolka banaadir waxaana mid kamid ah uu kusoo dhacay dagmada warta-nabada.

Mid ka mid ah Madaafiicdan oo ku soo dhacay Degmada Warta-nabadda ayaa waxaa ku dhimatay 3 Qof oo labo ka mid ah ay yihiin caruur, halka 4 Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu inoo sheegay Qof ka mid ah Ehelada dadka ku waxyeeloobay Madaafiicdan.

Madaafiicda kale oo ku dhacday xaafadaha kale ayaa hada weli la xaqiijin waxaana wadnaa baaritaano dheeraad ah oo ku saabsan sidii aynu u xaqiijin laheyn halka ay ku kala dhaceyn madaafiicda.

Halkaan ka daawo sawirrada qasaaraha ka dhashay madfac ku dhacay warta-nabada gaar ahaan halka oo yaqaan 15-ka may.