Somali News

DAAWO: Booliska Soomaaliya oo ka hortagay Qarax lagu gumaadi lahaa Shacabka magaalada soona bandhigay.

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliya ee kusugan koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa warbaahinta la wadaagay macluumaadka ku saabsan jaakad nooca qaraxyada ah oo la doonayay in lagu qarxiyo Shacabka magaaladas, sida ay boolisku sheegeen.

Booliska ayaa warbaahinta la wadaagay waxyaabaha qarxa iyo jaakadii loo isticmaali lahaa, waxayna sheegeen in ay dabagal dheer ku hayeen mudo ayna ku guuleysteen.

Shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa ku wargaliyey Booliska, qarax la dhigay meel ay dad badan joogaan, laakiin booliska ayaa ku guuleystay in ay  furfuran.

Taliyaha qeybta Booliska ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan faahfaahin dheeraad ah, balse mudooyinkii udambeeyey cabsi xagga ammaanka ah ayaa ka jirtay magaalada Gaalkacyo.

Related posts

Dhagayso:- Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiraan oo Ka hadlay dagal Beleedyada kasoconaya Gobalka

Tifaftiraha K24

Daawo: Ra’isul wasaare kheyre oo kulankii ugu horeeyay maanta la qaatay shaqaalaha xafiiska.,….

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Halisteeda leh oo laga soo sheegaya Duleedka Magaalada Kismaayo??? war ayaan idin kaga heynaa

Tifaftiraha K24