Animation

Daawo Bahdilaad: Ra’isul wasaare kheyre oo garoonka diyaaraddaha ugu tagay wasiir ka socota UK

no responses
Saturday June 17, 2017 - 6:34 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Ra’isul wasaare xasan cali kheyre ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay wasiirka  Horumarinta Caalamiga ee boqortooyada UK Ms Priti Patel.

Kulanka wuxuu ka dhacay garoonka diyaaraddaha aadan cadde ee magaalada muqdisho waxaana ra’isul wasaaraha kulanka ku wehlinaayay xubno golaha wasiirada ka tirsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay doorka UK ka qaadaneyso dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Kulanka waxaa diirada lagu saaray taageerada ay UK siiso soomalia iyo sidii ay usii xoojin laheyn taageeradaasi.

Wasiirka  Horumarinta Caalamiga ee boqortooyada UK Ms Priti Patel ayaa balan qaaday in UK ay soomalia dhinacyo badan oo horumarinta ah ka taageeri doonto.

Facebook Comments