Animation

Daawo: Axmad madoobe,xaaf iyo gaas oo maanta dhoolatus aan horay loo arag ka sameeyay magaalada cadaado

no responses
Tuesday May 30, 2017 - 3:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Cadaado, Galmudug (30 May, 2017)- Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta lug kusoo maray wadooyinka Magaalada Cadaado iyagoo u kuur galayay Xaaladaha Magaalada iyo sida ay Nolosha dadku tahay.

Madaxda ayaa lug kusoo maray wadada laamiga ah iyagoo lug kusoo maray dhamaan goobaha ganacsi ee wadada hareeraheeda ku yaala.

gaba gababadii Madaxdu waxay Shirjaraa’id ku qabteen bartamaha Magaalada.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in kulamo ilaa xalay socday ay kasoo bexeen qodobo dhaxal gal ah oo ay kamid yihiin in dadaalada nabadaynta Galmudug iyo Puntland lasii daadajiyo iyadoo labada Madaxweyne ay garwadeen ka yihiin.

waxaa uu intaas ku daray in ay ka go’an tahay labada Madaxweyne in nabad lagu wada noolaado isla markana labada Bulsho isku socodkooda la isku furo gaar ahaan ganacsiga iyo daaqsinta

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in maanta laga bilaabo ay mid yihiin isaga iyo Madaxweyne Gaas isla markana cidii hada kadib dhib gaysata aan qabiil iyo maamul toona loo tix galin doonin isla markaana talaabo laga qaadi doono.

Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa dhankiisa sheegay in Puntland ay ka go’an tahay in nabad lagu wada noolaado isagoo amaanay dadaalka uu Madaxweynaha Cusub ee Galmudug ku bixinayo nabada iyo wada jirka umada.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA
JUBBALAND, EE SOOMAALIYA

Facebook Comments