Animation

Daawo: Axmad Madoobe oo Goordhaw Kismaayo ka dagay iyo Masuuliyiin Sar sare oo soo dhaweysay

no responses
Sunday September 11, 2016 - 1:12 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa Goordhaw Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ka Dagay Madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamad Islaam Axamd Madoobe oo Magaalada Muqdisho uga qeyb galaayay shirka Madasha.

Madaxwaynaha ayaa waxaa soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka Jubbaland Cabdilaahi Luga-dheere iyo masuuliyiin kale oo Maamulka Jubbaland ka tirsan.

in kastoo Axmed Madoobe uusan warbaahinta hadal siin haddana waxa uu madaarka Kismaayo kulan albaabadu u xiran yihiin kula qaatay saraakiil sare sare oo aan saxaafada loo sheegin halka ay ka socdaan.

Kusoo Laabashada Axmad Madoobe ee Kismaayo ayaa waxaa ay yeelatay qeexid kala duwan iyo in aad loo hadal haayo shirka madasha ee muqdisho lagu kala booday balse kusoo laabashada Axmad madoobe ee Kismaayo ayaa la sheegay in ay tahay mid uu shacabkiisa Maalinta beri kula qaadanaayo munsaabada Maalinta Ciida.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

0j1a7630 0j1a7633 0j1a7637 0j1a7641 0j1a7648 0j1a7649 0j1a7657 0j1a7661 0j1a7662 0j1a7663 0j1a7665 0j1a7668 0j1a7676 0j1a7680 0j1a7682 0j1a7684 0j1a7688 0j1a7697 0j1a7698: Ax