Daawo: Axmad Madoobe oo Dhoolatuskii ugu weynaa Maanta Kismaayo ka sameeyay isagoo fariin cad u diray isbaheysiga…..

0

Hogaamiyaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmad Madoobe ayaa Dhoolatuskii ugu weynaa maanta kusoo bandhiggay Magaallada Kismaayo kadib markii si aan horay loo arag loogu soo dhaweeyay madaarka magaallada kismaayo.

Axmad madoobe oo dhoolatuskiisa u muuqday mid fariin loogu diraayo isbaheysigii mucaaradka ee shalay muqdisho looga dhawaaqay ayaa waxaa garoonka diyaaraddaha la isugu keenay ardaydii dugsiyada waxbarashada haweenkii magaallada oo boorar sawirka axmad madoobe lagu xardhay loo soo dhiibay waxaana intaasi dheereyd in koox fanaaniin ah ay heeso ammaan iyo guubaabin isugu jira ugu dhex qaadeen gudaha garoonka isagoona isu muujiyay Isbaheysigii mucaaradka una sheegay in kismaayo uu isaga kaliya hogaamiye ka yahay.

Dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasada ayaa ku macneeyay soo dhaweynta baalaran ee axmad madoobe loogu sameeyay kismaayo in ay digniin iyo fariin u tahay xukuumadda kheyre oo si aad loola xiriirinaayo in ay gadaal ka riixeyso isbaheysiga xamar looga dhawaaqay ee axmad madoobe talada looga xayuubin rabo.