Animation

Daawo: Askartii Galmudug uga Dhimatay Duqeynta Diyaaradaha Mareykanka oo Galkacyo Aas Qaran loogu Sameeyay

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 5:29 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug Waxaa Maanta lagu Aasay 13 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Galmudug kuwaasi oo ku dhintay Duqeyntii ka dhacday Degaanka Jeexdin ee Waqooyi Bari Gobolka Mudug taasi oo ay Fuliyeen Diyaarado Mareykanka leeyahay oo Xog qaldan lasoo siiyay.

Askartaan ayaa Maanta Aas loogu Sameeyay Galkacyo waxaana Aaska ka qeyb galay masuuliyiin iyo shacab aad u badan oo Galmudug ka tirsan.

Askartaan Duqeynta lagu laayay oo Galmudug ka tirsan waxaa Puntland ay ku sheegtay in Shabaab ay yihiin Balse taasi waxa ay u muuqata Mid Puntland ay qiil ugu Raadineyso Xogta qaldan ee ay u Adeegsatay Diyaaradaha Droneska Mareykanka .

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Aaska

02-9 03-7 04-5 05-4 06-3 aas8-640x360