Somali News

DAAWO: Askari dilay darawal Mooto Bajaajle oo lagu Xukumay.

 

Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday Eedeysane Cali Maxamuud Axmed oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska, kaasoo 8-dii bishan May magaalada Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj ah.

Xukunka dilka ayaa noqonaya kii u horeeyay ee lagu rido Askari dila darawal mooto bajaajle ah, tan iyo markii ay soo korortay dilalka loo geysto darawalada mooto bajaajta ah

Askariga la xukumay ayaa dilay Marxuum C/risaaq Yuusuf Guure oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysta Mooto Bajaajta, halka uu dhaawacay Cali Xaashi Mataan oo sarifle ah.

Dacwadda ayaa socotay dhowr Maalmood, waxaana Maxkamadda la horkeenay Marqaatiyo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo goobjoog ahaa markii uu dilku dhacayay.

Askarta Ciidanka dowladda ayaa bilihii ugu dambeeyay toogasho ku dilay dhowr dhalinyaro oo wada mooto Bajaajta, waxaana taasi ay sababtay Kacdoon ka dhan ah dowladda iyo banaan baxyo looga soo horjeedo dilalkaas oo ka dhacay Magaalada

Related posts

Sawirro: Marwada Madaxweynaha zeynab Macalin oo Madaxtooyada kusoo dhaweeysay Fanaanadda Faaduma Cali Nakruuma

admin

Ra’isul wasaare kheyre iyo guddoomiye jawaari oo goob joog ka ahaay Heshiis ay kala saxiixdeen Wasaaradda….

admin

War Cusub: Ciidamada Badda Talyaaniga oo Xeebaha Badda Dhexe ee Mediterranean-ka ka soo Bad baadiyay Muhaajiriin tiradoodu gaareyso ilaa….

Tifaftiraha K24