Daawo: Ambasador Ali Fiqi oo Xabsiyada Liibiya ku booqday Boqolaal Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Xabsiyada ku xiran

no responses
Thursday February 15, 2018 - 5:18 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Iyadoo la fulinaayo amarka madaxweyne farmaajo ee ah in dalkooda dib loogu soo celiyo dhalinyarada soomaaliyeed ee ku xir xiran xabsiyada dalka liibiya iyo dhalinyarada u xiran magafayaasha ee dhibaatada lagu haayo ayaa ambasador ali fiqi waxa uu maanta booqday laba kamid ah xabsiyada dalka liibiya oo ay ku xiranyihiin ku dhawaad boqol dhalinyaro soomaaliyeed .

Labada xabsi ee ambasadorka uu booqday waxa ay kala yihiin Tajora iyo Sika oo ku yaala Magaalada Triboli ee dalka Liibiya

Sidoo kale ambasadorka waxa uu booqan doona xabsiyada kala ah Jazuur, Khumz, iyo Geriyaan oo ay Dawlada gacanta ku heysa. Tirada maxaabista xabsiyada uusan weli booqan ambasadorka waxa ay gaarayan 231 Soomali ah.

Dhammaan dhalinyarada xabsiyada ku xiran ayaa u mahad celiyay madaxweyne farmaajo waxaana ay codsadeen in dalkooda dib loogu celiyo oo ay ku noolan doonan tahriib dambana aysan soo gali doonin .

Madaxweyne farmaajo waxaa uu muujiyay dedaal dhab ah oo loogu gurmanaayo muwaadiniinta soomaaliyeed ee wadamada caalamka ku dhibaateysan waana dowladdii ugu horeysay oo u istaagta dib usoo celinta iyo sii deynta muwaadiniinta soomaaliyeed ee xabsiyada caalamka ku xiran mudo dhowr sanadood ah.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirro iyo Muuqaal

 


Facebook Comments