Somali News

Daawo: Alshabaab oo soo Bandhigtay Muuqaal ay ka Duubeen Askari Uganda u dhashay oo Dagaalkii janaale ay ku qabteen

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa soo bandhigay Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda,kaas oo ay ku qabteen Dagaalkii ka dhacay Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose Sanad ka hor.

Al-shabaab oo Askarigaan ka soo duubay Muuqaal Dhowr Daqiiqo soconaya ayaa sheegay in ay ku qabteen Dagaalkii Janaale ee dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab.

Askariga ka tirsan Ciidanka Uganda ayaa lagu Magacaabaa Masassa M.Y waxaana uu Ciidamada AMISOM ku soo biiray 2009.

Askariga ay soo bandhigeen Shabaab ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dalka Uganda inuu ka shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka

 

photo_2016-09-26_18-41-27 photo_2016-09-26_18-41-43 photo_2016-09-26_18-41-51 photo_2016-09-26_18-41-57

Related posts

Somaliya Oo Qayb Ka Noqon Doonta Xalinta Khilaafaadka AKHRISO.

admin

Michael Keating oo War kasoo saaray Miisaaniyadda DF Somalia ee 2018-ka…

admin

XOG:B/Abgaal oo ku dhagan Gabre & Xasan sh, & M/weynaha Hiiraan & Sh/dhaxe oo la siiyay B/Xawaadle..[Magaciisa]

Tifaftiraha K24