Animation

Daawo: Alshabaab oo Mudo Kadib Baahisay Qaabka ay Ciidankooda ula Wareegen Dagmada Tiyeegloow kadib Bixitaanka Ciidanka Itoobiya

one response
Sunday November 27, 2016 - 8:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dhamaadkii bishii October ee sanadkan Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Alshabaab waxa ay si Rasmi ah ula wareegeen Gacan ku heynta degmada Tiyeegloow Ee Gobolka Baay.

Dagmada Waxaa Mudo 3 Sano ku dhaw ku sugnaay Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Dowlada waxaana ay ka baxeen dhamaadka Bishii October Markaasna waxaa Magaalada La Wareegay dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo aad u hubeysan.

La wareegida Alshabaab ee Dagmada Tiyeegloow Waxaa Maalmo kadib Weerar qorsheysan kusoo qaaday Dagmada Ciidamada Maamulka K/Galbeed iyo Kuwa Dowlada oo doonayay in Dib ay ula wareegan Tiyeeglow Balse Alshabaab ay Dagaal kala hortagay oo Iska Caabiyay Ciidanka waxaana Magaalada ka dhacay dagaal qaatay wax ku dhaw 24 Saac oo Magaalada lagu dagaalamayay Balse Ciidanka Dowlada ayaa u taag wayay in Gacan ku heynta Magaalada ay ka fara maroojiyaan Alshabaabkii Horay ula Wareegay.

Hada Magaalada waxaa kus ugan Alshabaab si Rasmi ah ayeyna u Maamulaan waxaaana Alshabaab ay soo Bandhigeen Muuqaalka Guud ee Dagmada Tiyeeglow Kadib La Wareegitaankooda Markii Ciidanka Itoobiya ay Faarujiyeen.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Dagmada Tiyeeglow oo Shabaab ay gacanta ku haayaan:

1-1 1-1 1-2 1-3 1-3 1-4 1-5 1-6 1-7 1-8 1-9 1-10 1-11 1-13 1-14