DAAWO: Abuu Mansuur iyo Musharixiin kale oo kulan aan caadi aheyn la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomalia Maxamed Mursale Sheekh C/raxmaan ayaa kulan aan caadi aheyn la qaatay Musharixiinta u tartameysa doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Kulanka Guddoomiyaha Golaha iyo Musharaxiinta ayaa waxa uu xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ilo ku dhow dhow Kulanka ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu u soo jeediyay Musharaxiinta inay la yimaadaan tanaasul, isla markaana ay hal Musharax ku midoobaan.

Abuu mansuur oo kamid ah musharixiinta u tartameysa xilka madaxweynaha koonfur galbeed ayaa kaalin muuqata uga jiray kulanka uu guddoomiyaha golaha shacabka la qaatay musharixiinta koonfur galbeed.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka