Animation

Daawo: Marxuum Wariye C/Casiis Maxamad Cali xaaji oo Muqdisho Lagu Aasay

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 11:36 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Allaha ha u Naxariista waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu Aasay Wariye C/Casiis Maxamad Cali Xaaji oo Shalay Kooxo Hubeysan ay ku dileen MagaaladaMuqdisho.

Marxuumka waxaa lagu Aasay Khabuuraha Iskuul Buluuziya ee Degmada Xamar jajab Waxaana ka qaybgalay ehelada Marxuumka, Suxufiyiin iyo sidoo kale xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.

Xog-hayahay Ururka Saxafiyiinta Qaranka ee NUSOJ maxamad Ibraahim Macalimuu oo Aaska ka qeyb galay ayaa Marxuumka Eebe uga baryay in naxariistii janno uu ka Waraabiyo Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka tagayna Samir iyo IIman ilaahey ka siiyo.

Sidoo kale Xoghaye Macalimuu ayaa Dowlada Federaalka ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha Badan Cadaalada loo horkeeno Kooxihii ka dambeyay Dilka Wariye C/casiis Maxamad Cali Xaaji.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Aaska Marxuumka

1-8 2-5 3-6 4-9 8-2 9-1