Animation

Daaw Sawirrada: Kooxda Jeenyo oo Galabta ku guuleysatay Koobka General Daa’uud Kadib Markii ay Rigoorayaal uga badiyeen Kooxda Banaadir

no responses
Sunday October 30, 2016 - 3:52 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa garoonka Koonis Stadium ee magaalada muqdisho ku soo dhamaaday tartankii xiisaha badnaa ee Genaral Daa’ud kaasoo in mudo ahba ka socday garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho waxaana kulankii finalka ahaa ee maanta ka soo qeyb galeen kumanaan taageeroyaal ah iyo madax ka tirsan xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo madax ka tirsan dowlada federal ka soomaliya.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xamaasad ah iyadoo kooxda Jeenyo ay si dardar ah ku bilaabatay ciyaarta laakin bilowgoowdii ayaa noqday mid fashilmay markii ay kooxda Banadir Sports Club la hormartay goolkii kowaad ee ciyaarta.

Xidiga weerarka kaga ciyaara kooxda Banadir Sports Club ee Amiir ayaa shabaqa ugu shubay gool cajiib ah kooxda L.L.P Jeenyo kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Markale Banadir ayaa shabaqa soo taabatay markii uu xidiga lagu magacaabo Qeys ugu daray Jeenyo goolka labaad ee ciyaarta ka hor dhamaadkii qeybtii koowaad wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0 waxaana goolkaan si qurux badan oo dhex tuur ah u caawiyay kabtan Daadir Amiin Cali.

Jeenyo ayaa la timid goolkeedii koowaad ee ciyaarta waxaana shabaqa u soo taabtay xidiga Catoosh kaasoo kubada uu si cajiib ah kaga shaqeeyay shabaqa ugu dhaadhiciyay kooxda Banadir wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1, waxaana lagu kala nastay 2-1 qeybtii koowaad ee ciyaarta.

Ciyaarta ayaa waqtigii loogu talo galay iyo waqtigii dheeriga ahaaba ku dhamaatay barbaro 2-2 ah, waxaana rigooreyaal ku kala baxay labada koox iyadoo ay koobka qaatay L.L.P Jeenyo kuwaaso rigooreyaashii ku adkaaday 4-1 waxayna u kala tuurteen sidaan.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Kulanka Finalka Koobka General Da’uud

screenshot-5 screenshot-6 screenshot-7 screenshot-10 screenshot-20 screenshot-21 screenshot-22 screenshot-25-1 screenshot-28 screenshot-32