Animation

Daaawo: Axmad madoobe oo kormeer ku tagay Xarunta Dhexe ee Telefishinka Dowlad Goboleedka Jubbaland

no responses
Monday July 31, 2017 - 1:02 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kismaayo, 31 Luulyo 2017 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Dhexe ee Telefishinka Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinayay Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Cabdinuur Cali Aadan iyo Wasiirka Maaliyada Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi kaahin.

Ujeedada Kormeerka Madaxweynaha ayaa ahayd sidii uu ugu kuur gali lahaa habsami usocodka shaqada Telefishinka iyo sidii uu u dhiri galin lahaa Shaqaalaha Warbaahinta Dowlada.

” Warbaahinta Dowladu waxay asal u tahay hanuuninta iyo barbaarinta garaadka Bulshada waxaan rajaynayaa in wax badan ay idiin qabsoomeen mudo kooban oo aad shaqaynayseen” ayuu yiri madaxweyne axmad madoobe.