Animation

Cusmaan Joon oo loo magacabay Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga

no responses
Sunday August 30, 2015 - 6:05 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Cusmaan Gacal Maxamed oo loo yaqaano Cusmaan Joon ayaa loo magacabay Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, warkan ayaa soo baxay maalmo ka hor inta 3 da bisha September uusan booqan dalkaas Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

Sida ku cad qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cusmaan Joon Magacabistiisa waxaa la soo gaarsiiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Danjire Muuse Xasan Maxamed.

Cismaan Joon

Cismaan Joon

Jagadan ama xilka Qunsulka ayaa muddo badanayd iska banaayay, mana jirin qof ku magacabanaa mudadaas dheer.

Dr. Cusmaan Maxamed Gacal (Cusmaan Joon) ayaa waxaa uu ahaan jiray Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Talyaaniga, waxaa uu xilligaas gacan ka geystay sharci siinta dad badan oo Soomaaliyed oo talyaaniga soo galay waqtigaas.

Jaaliyadda Soomaalida Talyaaniga ayaa si aan kala har lahayn u soo dhaweeyay magacabista Cusmaan Joon, waxayna sheegeen inay tani fursad u tahay umadda Soomaaliyed ee ku nool talyaaniga, waxayna sheegeen in Cusmaan Joon uu yahay shaqsi karti badan oo waxqabad wanaagsan lagu yaqaano.

Facebook Comments