Somali News

Cumar Filish Duqa Muqdisho Oo Fariin U Diray Shacabka Ku Nool Gobolka Banaadir

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Doorka Maamulka Gobalka Banaadir iyo Dowladda Hoose kaga Aadan ka hor-tagga xanuunka Covid 19, gaar ahaan waaxda caafimaadka Dowladda Hoose iyo Warbaahinta Gobalka Banaadir kaga Aadan Wacyi galinta Bulshada.

Kulanka waxaa kale oo looga hadlay Dardar galinta ololaha canshuur uruurinta Dowladda Hoose ee Xamar oo Meel Wanaagsan Maraya, Xaaladda Guud ee Amniga Magaalada Muqdisho ayaa kulanka muhiimad gaar ah la siiyay iyadoo la Xusay qaraxyadii lala eegtay Balaayaasha Kamirooyinka qarsoon ee lagu sugo ammaanka Magaalada ee loo yaqaan (CCTV), Waxaa kale oo lagu soo qaaday kulanka bilicda iyo Nadaafadda Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa Shir guddoominayey Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, waxaana goob joog ahaa Guddoomiye ku-xiggeenada Gobolka, Agasimayaayaasha guud, Agaasimayayaasha Waaxyaha, Guddoomiyayaasha Degmooyinka, taliska ciidanka ilaalada Deeganka Xamar, la taliyayaasha Duqa Muqdisho iyo afhayeenka Gobalka Banaadir.

Shirkaan ayaa gabagabadiisa waxaa lagu ballamay in laga dhabeeyo hal-ku dhigga duqa Muqdisho oo ah Bulsho Nabad ah iyo Balad Nadiif ah.

Related posts

TOp News:Mid kamid ah xildhibaan ku sheegii uu Ahmed Maddobe Kismaayo ku dhistey oo gurigiisa lagu weerarey dilna ka badbaadey (Haddaba waa kuma kaas??).

admin

Sawirro:- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo booqasho ku jooga Sacuudiga

admin

TOP NEWS: faah faahin ka soo baxeysa Kooxo Hubeysan oo Xalay weerar Culus ku qaaday Guri ay Dagmada Beled-xaawo ka daganyihiin Saraakiil ka tirsan Dowlada Soomaliya

Tifaftiraha K24