Culimada Soomaaliyeed oo digniin ka soo saaray bandhig faneed ay muqdisho ku qaban rabto Fannaanadda Kiin Jaamac

0

Culimada muqdisho waxa ay ka digeen bandhig fanneedka 20-ka bishaan ay muqdisho ku qaban rabto fannaanada kiin jaamac oo shalay muqdisho soo gaartay.

Hey’adda culimada soomaaliyeed oo uu guddoomiye ka yahay shiikh bashiir axmad salaad ayaa shir jaraa’id oo ay muqdisho ku qabteen waxa ay uga digeen fannaanada kiin jaamac iyo dadka abaabulaya bandhig faneedkeeda in ay joojiyaan waxaana dowladda ay ugu baaqeen in ay ka hortagto waxkastoo diinta islaamka iyo dhaqanka suubban ka hor imaanaya.

Culimada muqdisho bandhig faneedyaday wey ka digaan haddana ma joojiyaan oo awooddoodu ma gaadhsiisano waana sababta aan dhag jalaq loogu siinin bayaannada ay ka soo saaraan iyo fatwooyinka ay ku mamnuucaan bandhig faneedyada caasimadda lagu qabto munaasabaddaha gaarka ah iyo waqtiyada kalaba.