Somali News

Cudurka Coronavirus oo lagu arkay Sadax kamid ah Wadamada.

Cudurka CoronaVirus ayaa kusii faafaya waddamo caalamka ah, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in kiisas cudurkaasi ah lagu arkay waddamada Kuwait, Ciraaq iyo Baxrayn.

Dalka Iran ayaa sidoo kale dhimashada cudurkan ay korodhay, halka dalka Talyaaniga uu cudurka ku dhacay dad ka badan 200 oo qof.

Dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay soo saartay tallaabooyin culus oo ay ku xakamaynayso in caabuqa coronavirus uu ku faafo qaaradda Yurub.

Ra’iisul Wasaare Giuseppe Conte ayaa gelinkii dambe ee Sabtida waxa uu ku dhawaaqay qorshe degdeg ah xilli tirada dadka uu caabuqaasi ku dhacay ay sare u kacday.

Guud ahaan caalamka waxaa cudurkan u dhimatay in ka badan 2,400 kuwaasoo badankoodu ku dhinteen magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Related posts

DEG DEG: Toogasho goordhaw ka dhacday Magaalada Muqdisho iyo Warar Kala duwan oo kasoo baxaya

admin

TOP NEWS: Madaxweyne farmaajo oo ka hadlay qaraxii Maanta wadajir ka dhacay iyo ciidamada xooga dalka inay….

Tifaftiraha K24

Madaxweyne Hassan Sheekh oo sheegey in Ciidamo qaran oo dhaman dalka uu yeesho in ay muhiim tahay.

admin