Somali News

C/raxmaan Cabdi shakuur oo Iska racdeeyay Qareenadii u doodi lahaay ( Ogoow Sababta)

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Saddexdii qareen ee u doodayey u sheegay inuu kala noqday wakiilnimadii, kadib warqad qoraal ah oo uu u diray.

Waxa uu sheegay Shakuur in aysan qareennadaasi matalin, isaga oo sharci darro ku tilmaamay dacwadda loo haysto.

Sidoo kale Shakuur ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ku xadgudbay sharciga, qalad badanna uu ka galay, sida xariggiisa, weerarkii gurigiisa lagu qaaday iyo sidoo kale dadkii halkaasi ku dhintay.

Siyaasigan ayaa qoraalkiisa ku sheegay in markii ay dhammaato cadaadiska siyaasadeed uu xeer ilaaliyaha ku dacweyn doono wixii dhacay.

Halkaan hoose ka aqriso warqadda

Related posts

Dhagayso:- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Nairobi Kula kulmay Madxda IOM

Tifaftiraha K24

Daawo: weli Ma aragtey Mas dadka u riix riixaya, hadadan horey u arag haddaba arag

admin

RW CC Sharmarke iyo Madaxweyne Xasan Sheikh maxaa kala haysta?

Tifaftiraha K24