Codeynta Wareegga koowaad ee doorashada oo soo dhamaatay iyo tirinta codadka oo socota

0

Waxaa goordhaw lasoo gaba gabeeyay codeynta wareegga koowaad ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka waxaana hadda la guda galay tirinta codadka.

Codeynta ayaa aheyd mid qarsoodi ah waxaana codeyay xildhibaano tiradoodu gaareyso 264 xildhibaan.

Musharixiinta ilaa iyo hadda doorashada ugu cad cad ayaa waxa ay kala yihiin maxamad mursal, Ibraahim isaaq yaroow , musharax shariif cabdalla iyo sidoo kale musharax c/casiis lafta gareen.

Afarta Musharax ee ugu cododka badan ayaa u gudbi doona wareega labaad, hadii uusan Musharax helin cod dheeri, waxaana lagu xaqiijin karaa 138 cod, ninkii hela uu soo afjarayaa doorashada, iyadoo aan loo baahnaan doonin wareeg labaad.