Animation

C/kariin Guuleed Oo Si Kulul Ula Hadlay Puntland (AKHRISO)

no responses
Thursday September 29, 2016 - 6:07 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dib maanta ugu laabtay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi.

Madaxweyne Cabdikariin Guuleed waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka, Madaxweyne ku xigeenkiisa, guddoonka baarlamaanka, xildhibaanno, masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo Galmudug ah.

Intaas kadib ayaa saxaafadda wuxuu kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado waxaana uu marka ugu horreysa sheegay inuu tacsi u dirayo dhammaan dadkii ku dhintay weerar ay dowladda Maraykanka ka fulisay degaanka Jeexdin ee duleedka Gaalkacyo.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in uu ka xun yahay in Puntland ay ku tilmaanto Alshabaab, islamarkaana Galmudug tahay dowlad goboleed aan shaki ku jirin.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in Puntland aysan diyaar u ahayn deganaansho iyo nabadgalyada degaannada labada maamul ay wada degaan ee gobolka Mudug.

“In Puntland ay tiraahdo Galmudug waa Alshabaab waa arrin muujinaysa in Puntland aysan diyaar u ahayn nabadda iyo wada noolaanshiyaha gobolka Mudug oo labada maamul ay ku wada sugan yihiin” ayuu yiri madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka labada aqal oo haatan qabanqaabada loogu diyaargaroobayo ay ka soconayso magaalada Cadaado, waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in degaannada Galmudug ay ka soo baxaan dadka ugu wanaagsan labada aqal ee dowladda cusub oo meeshaan ay ka soo baxaan dad aad u hufan.

Madaxweyne Guuleed ayaa meesha ka saaray in Galmudug ay gacan ku yeelato xulista ergooyinka iyo doorashada baarlamaanka federaalka.