Ciidanka Xasilinta Muqdisho Oo dib loogu soo celiyay Kontoroolada Caasimadda.

0

Sida lagu arkayo Magaalada Muqdisho waxaa in Isgoysyada wadada wadnaha ee Magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyay ciidamadii xasilinta ee ka shaqeynayay baaritaanka gaadiidka u gudba dhanka wadada Maka Al-Mukarama.

Qaar kamid ah Waddooyinka Muhiimka u ah Magaalada ayaa lagu arkayaa Ciidamada xasilinta oo gaadiidka ku baarayaan Baraha Koontarool ee Isgosyada ah oo markii horeba ay joogi jireen, laakiin muddooyinkan dambe laga qaaday.

Meelaha lagu arkay ciidamada xasilinta ee Gaadiidka ay ku baarayaan ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska Hawlwadaag, Isgoyska Foloransa iyo Isgoysyada kale ee ka agdhaw halkaasi illaa Isgoyska Darjiinka oo gaadiidka ay ku baarayaan.

Ciidanka xasilinta ayaa horey looga qaaday baraha kontorool ee gudaha magaalada, kadib markii qaraxyo lala beegsaday dhawr baro ciidan oo ay ku sugnaayeen kuwa xasilinta.

Qorshahan dib u soo celinta ciidanka xasilinta ayaa la sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga gol leedahay in ammaanka la xaqiijiyo inta lagu guda jiro  Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Waxaa laga Cabsi qabaa in Al-shabaab ay kordhiyaan weerarada ay ka geysanayaan dalka marka la gaaro bisha Ramadaan, sidaasi darteed dowladda maalmo kahor waxay sheegtay in ay diyaarisay ciidamo suga ammaanka Muqdisho, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.