Somali News

Ciidanka Puntland Oo Howlgallo Ka Wada Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Boosaaso ayaa sheegaya in saaka howlgallo ay ka wadaan ciidamada ammaanka ee magaaladaasi.

Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa ka socda xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Saraakiisha hoggaamineysa baaritaanadaasi ayaa Shabelle u sheegay in u jeedka uu yahay, sidii loo xaqiijin lahaa amniga degmadaas oo ka tirsan gobolka Bari.

Sidoo kale waxa saraakiishu intaasi ku dareen in gacanta lagu soo dhigay tiro dad ah oo la tuhmayo, kuwaas oo ay hadda ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Shalay ayey aheyd markii askar ka tirsanaa ciidanka amniga Puntland lagu dilay toogasho ay fuliyeen kooxo hubeysan oo ka dhacday bartamaha magaaladaasi.

Related posts

IGAD Heads of States Agree to Collectively Pursue a Comprehensive Regional Approach to Deliver Durable Solutions for Somali Refugees

Tifaftiraha K24

AKHRISO: War-Murtiyeedka laga soo saaray Shirkii Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Baydhabo

Ahmed sudani

War Hada: Maxaa Cusub Saakay Magaalada Galkacyo oo Xalay Laga Maqlay Daryanka Rasaas Xoogan??? War ayaan idin kaga heynaa

Tifaftiraha K24