Somali News

Ciidanka Puntland Oo Adkeeyey Amniga Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Puntland ay xoojiyeen amniga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamada ayaa howlgallo cusub oo looga hortagayo falalka liddiga ku ah nabadgalyada ka bilaabay halkaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa kuwa ammaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka uu hayey sidii looga kortagi lahaa kooxaha dhaca ka geysta magaaladaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay dadka shacabka ah ee ku dhaqan waqooyiga Gaalkacyo ayaa ka cabanayey kooxo qooleysato ah oo habeenkii boob ugu geysta degmadaasi.

Related posts

DEG DEG: Maxaadan Ogeyn oo hada ka socda Magaalada Kismaayo ???

Tifaftiraha K24

Daawo: Guddoomiyaha Ururka Ahlu-sunna oo digniin culus u diray dowladda federalka iyo…..

Tifaftiraha K24

Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya Oo Maanta Hortagaya Golaha Shacabka.

Ahmed sudani