Ciidanka Milatariga oo looga digay in Magaallada Muqdisho gudaheed ay Hub ku dhex wataan

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal C/weli Jaamac(Gorod) oo ka hadlay howlgalada amni sugidda ah ee ka socda caasimadda iyo wadashaqeynta ciidanka ayaa soo saaray digniinno ku wajahan ciidanka magaalada ku dhex wata hubka, iyagoo aan haysanin fasax.

Janaraal Gorod ayaa digniin u jeediyay ciidanka Gaar ahaan kuwa Xoogga Dalka oo aan haysan wax fasax ah in hubkoodi ay la dhexmaraan magaalada Muqdisho oo ay howlgallo ballaaran ka wadaan ciidamada u xilsaaran Xasilinta magaalada.

“Marka ugu horeysa in aan ogaanno in ay jiraan ciidamo amniga u xilsaaran oo la xurmeeyo,oo laga fogaado in  aan la garan waayin qofka shaqeeya iyo qofka amniga qalqal gelinaya,ciidanku ha joogaan xeryohooda marka ay soo baxayaan  fasax ha soo qaataan,waa dhamaan ciidamada,hadana gaar ahaan waxaan la hadlayaa ciidanka Xoogga Dalka,qofkii aan haysan fasax oo hub magaalada la dhex mara haddii la dilo ama hubka laga qaado mas’uuliyadda isaga ayaa qaadaya”. Ayuu yiri Janaraal Gorod.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal C/weli Jaamac(Gorod) ayaa dhanka kale waxaa uu fariin u diray ciidanka xasilinta taasi oo ku aadan in si dhow ay u shaqeeyaan ciidamada qeybohooda kale duwan gaar ahaan hadii ay arkaan ciidan hubaysan oo military ah in si wanaagsan ay ula macaamilaan,si looga gudbo in cadowga uu fursad helo.

“Ciidanka u xilsaaran xasilinta waajibka laga rabo maxuu yahay,adigoo fulinaya waajibkii shaqada ayaa haddana waxaa lagaa rabaa in aad ixtiraamto saaxiibkaa kale oo aan dhib wadin,inaad weydiiso aqoonsigiisa si degan oo aan xanaaq ku jirin madaxdiisa aad u gudbiso kadibna la sii daayo hadii uu fasax haysto”. Ayuu intaasi kudaray Taliye Gorod.

Hadalka taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan howlgalada ballaaran ee ka socda magaalada Muqdisho,waxaana ujeedka hadalka taliyaha uu yahay in aan la kala garan waayin dadka cadowga ku ah amniga dalka iyo ciidanka waajibkooda gudanaya.