Somali News

Ciidanka Dowlada dhexe oo hakad ku sameeyay isku socodka Magaalada.

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasmadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay Ciidamo farabadan dhigtay wadooyinka Magaaladaas,isla markaana ay hakiyeen dhaq dhaqaaqa dadweynaha.

Ciidamadaan oo isugu jira Boolis iyo Nabadusugida ayaa waxaa la dhigay wadooyinka ugu muhiimsan,iyaga oo dadka ku amraya inay dib guryahooda ugu laabtaan.

Qof kamid ah dadka ku nool Dhuusamareeb ayaa u sheegay Risaala in arrintaan ay ka dambeysay,kadib markii ay soo baxeen Warar sheegaya in taageerayaasha Ururka Ahlusunna inay doonayaa inay banaanbax ka dhigaan Magaalada Dhuusamareeb.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hakinta dhaq dhaqaaqa dadweynaha ee Ciidamada ay saameyn weyn ku yeelatay isku socodka Ganacsiga ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamadaan farabadan oo Maanta ay dowladda Soomaaliya dhoobtey wadooyinka waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli xalay hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud uu sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay hubkooda la soo baxayaan.

Related posts

SAWIRRO: Aalada Robotka oo markii ugu horeysay la siiyay dhalashada Sacudi Carabiya

admin

SAWIRRO: Dowlada Federaalka oo Khadija Almakhzoumi u Magacowday Safiirka Soomaliya u fadhiya Wadanka……

Tifaftiraha K24

SAWIRRO: Dayuurado gargaar u sida Magaalada Belad-weyne oo ka degay Guriceel .

admin