Somali News

Ciidanka Danab oo kooxda Al- Shabaab gacanta uga dhigay Madaxii.

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee danab iyo kuwa amisom oo shalay la wareegay  gacan ku heynta deegaanka Tooratoorow ee gobolada shabeelada hoose ayaa la sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen labo sarkaal oo Al-shabaab u qaabilsanaa deegaankaasi iyo dagaalamayaal dhowr ah.

Saraakiisha katirsan Al-shabaab ee deegaankaasi lagu qabtay ayaa kala ah madaxii maaliyada iyo madaxii  garsoorka deegaanka Toorotoorow ee Al-shabaab u qaabilsanaa, kaasi oo lagu magacaabi jiray Macalin Abuukar iyo dagaalamayaal kale.

Afhayeenka wasaarada warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar Oronjo oo la hadlay radio kulmiye ayaa xaqiijiyay in xubnahaasi la soo qabtay, islamarkaana dhawaan la maxkamadeyn doono.

Sidoo kale Ismaaciil Mukhtaar ayaa balanqaaday in ciidamada dowladda aysan ka soo noqon doonin deeganadii ay Al-shabaab ka qabsadeen .

Related posts

DEG DEG: Toogasho iyo Kala carar Goordhow ka dhacay Muqdisho

admin

Koonfur Galbeed oo sheegtay in Dowladda ay ka dalbadeen Ciidankii Shalay Baydhabo la geeyay

admin

DAAWO SAWIRADA:- 9 Qodob oo laga soo saaray Shirkii Arimaha Maaliyada looga hadlaayay ee Muqdisho ka socda

admin