Animation

Ciidanka Amaanka ee Turkiga oo Xiray qof looga shakisanyahay inuu ku luglahaa Weerarkii Paris

no responses
Saturday November 21, 2015 - 11:23 under Somali News by admin
mqdefault

Booliska Turkiga ayaa xiray nin laga shakisan yahay inuu ku lug leeyahay weeraradii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Paris.

Ahmet Dahmani oo 26 jir ah heysta dhalashada Belgium, balse asal ahaan ka soo jeeda Morocco ayaa lagu xiray hotel ku yaal magaalada loo dalxiis tago ee Antalya.

Ninkan ayaa lala xiray labo nin oo kale u dhalatay dalka Suuriya, kuwaasoo lagu xiray meel ku dhow xuduuda, waxaana ninkan looga shakisan yahay in todobaadyo ka hor ay Kooxda IS u dirtay Paris si uu u soo indha indheeyo goobihii todobaadki hore la weeraray.

Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganeysa Wargeyska Dogan ee ka soo baxa Turkiga ayaa sheegaya ninkan ay si gaar isha ugu hayeen Booliska la dagaalanka Argagixisada.

Ninkan lagu magacaabo Ahmet Dahmani ayaa la sheegay inuu si nabad ah xuduuda uga soo tallaabay, isla markaana Booliska la dagaalanka Argagixisada ay la socdeen dhaq dhaqaaqiisa ilaa uu Hotel ka degayay.

Dhinaca kale dowladda Belgium ayaa heegan gelisay ciidamadeeda, kadib markii ay ka war heshay weeraro suura gal ah inay ka dhacaan goobo kala duwan oo ku yaala dalkaas.

Ciidamo fara badan ayaa lagu arkay goobaha dhulka hoostiisa ee laga raaco tareenada ee magaalada Brussles, waxaana ay xirnaanayaan goobahaas ilaa maalinta axada, maadaama ay suura gal tahay in weeraro ka dhacaan.

Ciidamo hubeysan gaaf-wareegaya caasimada Brussels

Mid ka mid ah dadka la raadinayay Saleh Abdelsam ayaa wali laga baadigoobayaa gudaha Belgium oo uu dib ugu soo laabtay, kadib markii weerarada ay ka dhaceen magaalada Paris.

Hey’addaha ammaanka Belgium ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo weeraro argagixiso, waxaana Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Charles Michel uu ugu baaqay dadka rayidka ah inay aysan argagixin oo ay is dejiyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Belgium Charles Michel ayaa sheegay inuu jiro halista weeraro la mid ah kii Paris, isla markaana ay jirto qatar ah in kooxo argagixiso ay adeegsadaan qaraxyo iyo hub goobo kala duwan oo ku yaalla dalka.

Illaa iyo hadda saddex ruux ayaa loo xiray inay ku lug leeyihiin weerarada, waxaana si aad ah ammaankooda loo xoojiyay goobaha dadka isugu yimaadaan, waxaana la baajiyay ciyaaro dhici lahaa.

Qaar ka mid ah dadkii ka dambeeyay weeraradii Paris ayaa ka soo jeeda dalka Belgium, waxaana Mas’uuliyiinta Faransiiska ay aaminsan yihiin in weerarka dalkooda lagu soo qaaday in laga abaabulay Belgium.

Tan iyo weerarkii Paris ee todobaadkii hore dalalka Yurub ayaa heegan geliyay ammaanka, iyagoo sare u qaaday feejignaantooda weeraro argagixiso oo ay suura gal tahay inay Kooxda Daacish ka geystaan dalalkooda.