Ciidamo Katirsa Xoogga Dalka iyo kuwa Amisom oo Alshabaab kala Wareegay Deegaano katirsan Sh/Hoose

no responses
Monday February 12, 2018 - 1:16 under Somali News by Ahmed sudani
mqdefault
Spread the love

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa saakay aroortii Howlgal lagu jarmaaday waxa ay ku qaadeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay maamulayeen xoogaga ururka Al-shabaab.

Ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya Ciidamo cadaan ah oo Mareykanka u dhashay iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay dagaal la’aan la wareegeen degaano ay ka mid yihiin Mubaarak, Daarusalaam, iyo degmada Awdheegle oo dhammaantood ka wada tirsan Shabeellaha Hoose.

Hugunka Rasaasta iyo Qaraxyo toos ah ayaa saakay aroortii hore laga maqlayay degaanada uu Howlgalka ka dhacay, waxaana Hubka adeegsanayay labada dhinac, shacabka halkaasi ku sugan ayaa cabsi badan ay soo wajahday.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay Ciidamada inta ay Howlgalkooda ku guda jireen in ay iska hor imaad kula kulmeen Tuulada Ugunji oo u dhow degaanka Janaale, wuxuuna dagaal kooban dhexmaray Ciidanka Millitariga iyo ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa waxa ay inoo sheegeen in Ciidamada ay la wareegeen ilaa Saddex degaan oo ka tirsan Shabeelleha Hoose, hadana ay wadaan Ciidamada Howlgallo Miino baaris ah, ayna xaqiijinayaan ammaanka degaanada ay la wareegeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidanka Bancroft-ta ka soo baxay dhanka Garoonka Diyaaradaha Balidoogle iyo ciidamo kale oo ka baxay Muqdisho ay ku biireen Howlgalka ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ay arkeen Meydadka ilaa Afar Dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab iyo qof shacab ah, kuwaasi oo intii uu Howlgalka socday la dilay.

Sidoo kale Qofkan goojoogaha ah ayaa sheegay Ciidamada Shabaab saqdii dhexe ee xalay intooda badan in ay ka baxeen degaanada maanta ay la wareegeen Ciidamada Dowladda, maadaama uu sheegay in ay ka war heleen in weerar lagu soo yahay.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helayno gobolka ayaa sheegaya in Diyaarado dagaal ay dul heehaabayaan aagaga uu hawlgalku ka socdo kuwaas oo loo malaynayo inay yihiin diyaarado Maraykanku leeyahay.

Shabaab oo weerarkan uga hadlay dhankooda baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegeen in ay Qarax la eegteen Kolonyo ay la socdeen Ciidamo cadaan ah, oo ay sheegeen in ay khasaare gaarsiiyeen.

Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in dagaal toos ah ay la galeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxayna Shabaab tilmaameen in Dagaalkan uu socday muddo saacado ah oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa caadeystay dhaqanka ah marka ay Shabaab kala wareegaan degaano in ay dib uga soo gurtaan, taasi oo sahleysa in Shabaab markale ay gacanta ku dhigaan degaanadii laga saaray.

Facebook Comments