Somali News

Ciidamo ka goostay Maamulka Puntland oo lagu soo bandhigay deegaanka.

Maamulka Soomaaliland saraakiil ka tirsan iyo maamulka degmada Laas-caanood ayaa soo dhaweeyay, iyagoona soo bandhigay ciidamo ay sheegeen in ay kasoo goosteen maamulka Puntland oo ay xurguf kala dhexeyso.

Soomaaliland ciidamadaan ay soo bandhigeen ayaa tiradoodu gaaraysaa 30 Askari iyo taliyaha hoggaaminaya ayaa waxaa ay ahaayeen Ciidamada Puntland ee ka howlgeli jirey deegaanka Boocame ee Gobolka Sool.

Ciidamada kasoo goostey Puntland taliyaha hoggaaminaya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan sugida amniga halka ay geyso maamulka Soomaaliland.

Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliland ee soo dhaweeyay ciidanka soo goostay ayaa in Ciidamadaan xilligaan wixii ka dambeeya ay kamid yihiin ciidamada Soomaaliland xaquuqna ku leeyihiin.

Related posts

Dalka Shiinaha oo Tuhun ka muujiyey faafista Cudurka Korono Feyris in uu ka danbeeyo dalka.

admin

Sawiro: Madaxweyne Xassan Oo Turkey-ga shir muhiim ah kaga qeyb galay.

admin

HORUDHACA Kulanka Xiisaha Leh Ee Northampton vs Manchester United (Manchester United Oo Seddex Kulan Oo Guldaro Xiriir Aheyd Kadib Guushii Ugu Horeysey Raadineysa)

Tifaftiraha K24