Somali News

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay garoonka diyaaradaha ee degmada.

Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in amaanka garoonka diyaaradaha ee degmadaasu ay la wareegeen ciidamo Itoobiyaan ah.

Ciidamadan ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo bilooyin ka hor la geeyay gobolka Gedo.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadani ay qayb ka noqon doonaan ciidamo sugi doona amaanka degmada Doolow isla markaasna ciidamadani ay maalintii shalay kasoo talaabeen xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Related posts

Akhriso: Magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Maanta Cadaado lagu doortay

Tifaftiraha K24

Howlgalo lagu so qabtay 20 Al-Shabaab ah oo ka dhacay Dagmada Luuq

admin

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

admin