Ciidamo Boolis ah oo isku dagaalay lacag baad ah oo laga qaaday baabuurta

0

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyey Ciidamo kawada tirsan kuwa Booliska.

Iska hor imaadkaan ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho oo ah Bar Koontarool oo ay joogaan ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Iska hor imaadka ayaa imaaday kadib markii ay Ciidamada Booliska isku qabsadeyn lacag baad ah oo laga qaado Baabuurta Dadweynaha oo halkaas ka sameystay Busteejo laga raro gawaarida.

Sida wararka hordhaca ah sheegayaan waxaa halkaas ku dhaawacmay laba arday oo marayey Isgoyska.