Somali News

Ciidamadii cusub oo la geeyay Magaalada Dhuusomareeb.

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamo si gaar ah u tababaran oo saakay magaaladaasi la geeyay la wareegeen xarumo muhiim ah oo magaaladaasi kuyaala.

Ciidamadan oo katirsan booliiska sida gaarka ah u tababaran ayaa saakay diyaarado ka qaadeen magaalada Muqdisho waxaana la geeyay magaalada Dhuusomareeb si ay u xoojiyaan amaanka magaaladaasi.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada booliiska ayaa la wareegay amaanka garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb, xarunta Madaxtooyada , iyo goobta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug.

Ciidamadan oo u muuqda kuwa feejigan ayaa lagu arkayaa xarumaha muhiimka ah ee kuyaala magaalada Dhuusomareeb, waxa ayna ciidankan yihiin kuwa ka duwan kuwii horey dowlada u geysay magaaladaasi.

Related posts

War Cusub: Maxaydan ogeyn oo maanta ka cusub Gobalka Gedo (Warbixin ayaan idin kaga heynaa??)

admin

Daawo: Madaxweyne Xasan Shiikh oo Baydhabo ka Wada Kulamo Xasaasi ah oo ku saabsan Ol’olahiisa Doorashada

Tifaftiraha K24

Daawo: Maxaa ka soo baxay shir muqdisho ku dhexmaray Safiirada wadamada Turkiga, Sweden, Norway, Talyaaniga, ku xigeenka UN-ka iyo madax ka socotey Maamul Goboleedyada dalka.

Tifaftiraha K24