Somali News Top News Xulashada K24

Ciidamadda Turkiga oo la wareegay magaalada Afrin ee dalka Suuriya

Ciidamada Turkiga oo taageeraya Ciidamada Xorta Suuriya ayaa saaka la wareegay magaalada Afrin oo ay gacanta ku hayaan Dagaalyahanada Kurdiyiinta YPG ee uu taageero Mareykanka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay in Ciidamada Turkiga iyo qaar ka mid ah Ciidamada xorta Suuriya ay la wareegeen Afrin oo ku dhow xuduuda Suuriya.

Howl galkan oo bilowday 20-kii bishii Janaayo ayay Turkiyiinta hormuud ka ahaa dagaalka ka dhanka ah Kurdiyiinta Suuriya oo ay aqoonsan tahay inay yihiin Argagixiso.

Taangiyada Turkiga ayaa lagu arkay bartamaha magaalada Afrin, waxaa wali magaalada ka jira iska hor imaadyo goos goos ah.

In ka badan 10 kun oo ruux ayaa ku geeriyooday dagaalada ka socda magaalada Afrin, waxaana dagaalada ku dhintay dad boqolaal ruux gaaraya.

Related posts

Sawirro:-Wasiirka A/Dibadda Somalia Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiir Cusub.

admin

Haweeneyda ka arimisa dalka Mayanmar Oo Maanta Hortageysa Maxkamadda Cadaalada ICJ.

admin

Daawo: Farmaajo oo booqasho taariikhi ah ku tagay Taliska 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo xarunta Ciidamada Daraawiishta Jubaland.

Tifaftiraha K24