Ciidamadda Dawladda oo Bilaabay Howlgallo habeenkii laga sameeyo Muqdisho

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay joogteyn doonaan Howlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo ee laga sameynayo magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay hadii shacabka iyo Ciidamada ay u wada shaqeeyaan si niyad sami ah in la xaqiijin karo ammaanka, lagana hortagi karo weerarada ururka Al-shabaab.

Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in ay mudnaanta Koowaad siinayaan arrimaha amniga, waliba si ka duwan sidii hore.

Wuxuu sheegay in ay wadaan Daraasad ah Darseynta oo ah degmooyinka ugu dhibka badan, casharada laga baran karo dhibaatooyinkii dhacay iyo sidii shacabka loogu dhiiragalin lahaa in ay ka shaqeeyaan ammaanka.

“Ka Maamul ahaan waxaa naga go’an xaqiijinta ammaanka dhammaan degmooyinka, shacabka ayaan u shaqeynaa, Howlgalada ammaanka lagu sugayo wixii hada ka dambeeya waan kordhin doonaa.” Ayuu yiri Yariisow.

Yariisow hadalkan wuxuu ka sheegay xilli xalay isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Clai Khayre ay kormeer amni ku tageen xaafado ka tirsan degmada Hilliwaa eee Gobolka Banaadir

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bishii ina dhaaftay sheegay in uu diyaariyay Ciidamo isku dhaf ah oo sugaya ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, si looga hortago Arbushaad dhacda.

Ururka Al-shabaab ayaa mararka qaar Magaalada Muqdisho ka geysta weeraro la xiriira qaraxyo iyo dilal, waxayna qaraxyada la beegsadaan xarumaha Dowladda iyo Hotelada qaar ee ku yaalla Muqdisho.