Somali News

Ciidamada Xooga Dalka Somaliya oo kala wareegay deegaano hor leh kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka ee kusugan gobolka Bay iyo ciidanka Dowlad-goboleedka Koonfurgalbeed ayaa deegaano hoostaga degmada Diinsor ee gobolka Bay kala wareegay dagaalamayaasha Al-shabaab, kadib markii ay halkaasi howlgalo ay ka sameeyeen.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaas ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanku la wareegeen tuulooyinka tuulooyinka Laba Warood, Tugaar oo dhammaantood hoostaga degmada Diinsoor.

Taliyaha Ururka 54-aad ee Guutada 60-aad Xassan Aadan Yarow oo howlgalka hoggaaminaayey ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa in la isku furo waddooyinka ay go’doomiyeen Al-shabaab.

Waxaa uu intaasi ku daray in ay siidaayeen dad ku xirnaa deegaannada ay la wareegeen, kuwaasi oo markii horeba u xirnaa Al-shabaab

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Koonfur-galbeed ayaa horey waxay howlgallo sifeyn ah uga sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolada baay iyo Bakool ee Koonfur-galbeed.

Related posts

AKHRISO: Shanta Su’aallood ee laga jawaabin Qaraxii Muqdisho & Xaqiiqooyinka la hayo

admin

Banaabax ka dhacay degamada mandera

admin

ITOBIYA: Xiliga aydhacayso Doorashada Raysalwasaaraha Itobiya oo lagu dhawaaqay .

gurey