Animation

Ciidamada Xogga Somalia oo ku hanjabay in ay dagaal la galidoonan Ciidanka Kenya hadi….

no responses
Wednesday November 11, 2015 - 5:00 under Top News by admin
mqdefault

Iyadoo Dowladda Kenya ay sheegtay in Xadka Soomaaliya la Wadaagto ay ka dhiseeyso Darbi si ay uga hortagto Weerarada Al-shabaab ayaa waxaa la sheegay in darbigaasi uu soo galay Gudaha Soomaaliya.

 

Saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ku sugan Degmada Baled-xaawo Ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Darbigaasi ay Kenya dhiseyso ay soo galisay Dhulka Soomaalida islamarkaana aysan Aqbali doonin Arrintaasi.

 

Taliyaha Amniga Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo Sugoow Cali Barre ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay Dagaal la galaan Ciidamada Kenyanka ah ee dhisaya Darbiga.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in darbigaasi ay Kenya dhiseyso uu yahay mid Sharci daro ah oo Xumeyn kara Xariirka Labada Dal.