Animation

Ciidamada Uganda Ee Jooga Soomaaliya oo Mushaar la’aan ka Cabanaya

no responses
Monday September 7, 2015 - 8:14 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Jariidada Daily Monitor ee kasoo baxda dalka Uganda ayaa qortay in ciidamada Uganda ee qeybta ka ah kuwa AMISOM aysan wax mushaar ah helin bilooyinkii lasoo dhaafay taas oo la sheegay in askarta qaar ee Uganda ee Soomaaliya jooga shalayto ay dareemayaan.
Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Howlgalka AMISOM,Ciidamada Uganda qeybta 14-aad ayaa la ogaaday in 9-kii bil oo lasoo dhaafay aysan wax mushaar ah helin.
Ciidamadii Ugu dambeeyay ee la keenay Soomaaliya ee qeybta 15-aad Bishii October ee sanadkii tagay ayaa la sheegay in mudo shan bil ah aysan helin wax mushaar ah.
Afhayeenka ciidamada Uganda Corneel Badi Akunda ayaa sheegay in warbixintaasi ay jirto balse waxa uu diiday in 9bilood uu mushaarka ka maqan yahay ciidamada Uganda balse ay tahay kaliya 5-bilood.
Ku xigeenka Taliyaha ciidamada Uganda Lt Gen Charles Angina ayaa ku booqday Ciidamada Uganda magaalada Marka todobaadkii tagay si niyadooda uu u dhiso.
Uganda waxaa ka jooga Soomaaliya askarta ugu badan ee ka qeyb qaadanaya howlgalka AMISOM.

Facebook Comments