Ciidamada Sirdoonka iyo Kuwa Ajanabi Ah Ayaa Baaritaan Ka Wada Muqdisho.

0

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya iyo kuwa Amisom, ayaa Xaafadaha Degmada Heliwaa waxa ay ka wadaan hawlgal culus oo lagu baaraayo guryaha.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Amisom oo wata gaadiidka dagaalka iyo ciidamada Somaliya oo gaashaaman ay si wadajir ah u fulinayaan hawlgalkaan, ka socda Degmada Heliwaa.

Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa sheegay hawlgalka inuu yahay mid lagu bartilmaameedsanaayo xaafado gaar ah oo ciidamada ay ka heleen xogo ku saabsan in Shabaab ay ku sugan yihiin.

Xaafadaha Degmada Heliwaa, gaar ahaan kuwa dhanka Suuqa Xoolaha xiga ayaa la soo warinayaa in dad laga soo qabtay oo ciidamada ay gacanta ku hayaan, kuwaasi oo baaris lagu sameyn doono.

Hawlgalkaan ka socda Degmada Heliwaa, ayaa ku soo aadaya iyadoo habeen hore ciidamada Al Shabaab weerar ay ku qaadeen xerada ciidamada Amisom ay ka degan yihiin Maslax, halkaasi oo sabano ay ku garaaceen.

Al Shabaab ayaa ku badan xaadaha Degmada Heliwaa, halkaasi oo ay ka abaabulaan weerarada ay ku qaadaan fariisimada ciidamada ay degan yihiin.