Somali News

Ciidamada Qalabka sida ee dalka Somaliya oo goordhaweyd degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howl-gallo ka wada degaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la wareegay Tuulada Geelgub oo qiyaastii 10-km u jirta degmada Cadale.

Howgalladani oo la sheegay iney yihiin kuwo lagu sugayo amaanka degaanadaasi ayaa waxaa hoggaaminaya Taliye ku-xigeenka Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Maxamed Cali Bariise.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in degaannada laga saaray Al-Shabaab ay ahaayeen goobo muhiim u ah oo ay kasoo maleegi jireen weerarada ay soo qaadaan, iyagoo intaas ku daray in haatan ay socdaan howlgallo Miino baaris ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee degaanka.

“Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan degaannada laga xoreeyay nabad-diidka ayaa aad usoo dhoweeyay tallaabooyinka ay Ciidanku ka qaadeen kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo dhibaato ba’an ku hayay Dadka halkaasi ku nool” ayuu yiri Taliye ku-xigeenka Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye guuto; Maxamed Cali Bariise.

Related posts

TOP NEWS: AMISOM oo si cad u sheegtay Dadkii ay ku Xasuuqday Dagmada Qoryooley in Heshiis ay horay ula galeen ay ka baxeen

Tifaftiraha K24

War Cusub: Qaramada Midoobay oo Warbixin aan Caadi aheyn ka soo saartay Xaaladda Magaalada Qandala oo Dhawaan laga saaray Kooxda Daacish

Tifaftiraha K24

Qaramada Midoobay Maxay ka tiray doorashadii guddoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka

admin