Somali News

Ciidamada Maamulka Somaliland oo lawareegay Hoteel Calanka Somaliya la suray.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland Goordhow ay la wareegeen Hotel Cusub oo ku yaalla halkaas.

Ciidamada ayaa isku gadaamay Hotel lagu magacaabo Peace oo saakay laga furi lahaa Magaalada Laascaanood, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku socday howlo dhismo ah, hayeeshee lasoo Gaba-gabeeyay.

Wariyeyaal ku sugan Laascaanood ayaa sheegay in hotelka laga taagay dhowr Calan oo kala duwan, Balse la dejiyay oo kaliya Laba Calan oo kala ah kan Soomaaliya iyo midka Kenya, waxaana Ciidanka ay dhulka dhigeen labada Calan ee surnaa Hotelka.

Sidoo kale Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay Wariyeraal ku sugnaa Hotel Peace, kuwaasi oo doonayay inay tebiyaan Munaasabadda lagu daah-furayay Hotelka Cusub.

Related posts

DEG DEG: Mid kamid ah wasiiradii uu magacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle oo Hada is Casilay+Sababta

admin

Iran oo laga Helay Keyd Cusub oo Saliid ah

admin

Micheal Keatingo oo ka hadlay xiisadihii siyaasadeed ee ka dhacay Muqdisho

Ahmed sudani